Al-Shabaab oo wadada u gashay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wararka laga helaayo Deegaan lagu magacaabo Haanta-sheekh oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda lagu weeraray halkaas, kadib markii ay Jidka u galeen Al-Shabaab Ciidamo ka tirsan Dowladda oo saarnaa gaari Cabdi Bile ah.


Ciidamada Dowladda ayaa halkaasi looga dilay illaa 2-Askari weerarkii ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,iyadoo ay ku dhaawacmeen sidoo kale 4-Askari oo kale.
Dhanka kale wadada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe Dhowr Jeer waxaa ka dhacay weeraro isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah oo Shabaabku ay fuliyeen.