Al-Shabaab oo Askar ka tirsanaa Ciidamada Jubaland ku soo bandhigtay meel fagaare ah.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ayaa sheegaya in Al-Shabaab shalay galinkii dambe ku soo bandhigtay Degmadda Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe saddex askari oo horey uga tirsanaa jiray Ciidamada Maamulka Jubba-land ee ku sugan saldhigga Ciidamada Buulogaduud.


Askartaan ayaa iyagoo qoryahooda wata ka soo baxsaday xerada Ciidamada Jubba-land ee Buulo-gaduud iskuna soo dhiibay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale horey askar uga tirsanayd Ciiamada Jubba-land ayaa lagu soo bandhigay Degmadda Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.