Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la canshuurayo lacagta Gunada ah ee ay qaataan.

Waxaa Markii ugu horeysay Canshuur lagu soo rogay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Lacagta Gunnada ah oo ay qaataan taasoo noqoneysa talaabo hore loo qaaday oo dhinaca Dowladnimada ah.


Dr C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 lana bilaabi doono canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Dhanka kale Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixin dhanka sharciga ah lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.