Madaxweyne Siilaanyo oo Xisbiyada Soomaaliland kula taliyay inaysan kicin Shacabka .

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay sheegashada qaar ka mid axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliland sida Xisbiga wadani oo ka mid ah axsaabta ka qeyb gashay doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland.


Mr. Siilaanyo ayaa soo hadal Qaaday isku dhacyadii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo uu Sheegay in dad badan ay dhibaato ka soo gaartay rabshadahaasi.
Xisbiyada ka jira degaanada Soomaaliland ayuu ka codsaday inay Ilaaliyaan Nidaamka Soomaaliland,sidoo kalana Wuxuu sheegay in gudiga doorashada ay ka war sugaan inta ay ku dhawaaqayaan natiijada Doorashada Soomaaliland.
Dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xisbiyada kula taliyay inaysan kicin Shacabka ku nool degaanada Soomaaliland,islamarkaana meel aysan ugu dhicin Sharciga iyo Kala Dambeynta xiligan ka jirta deegaanada maamulkaasi.