Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta u ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo Magaalada Abu Dubia ee xarunta Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.


Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona Madaxda Imaaraadka Carabta,isagoo kala soo hadli doonaa xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Imaaraadka siiso Soomaaliya.
Dhanka kale safarkii kan ka horeeyay ee Imaaraadka ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kulamo la soo qaatay Madaxda Dalkaas waxaana lagu balamay kulamo kale, iyadoo safarkaan uu ka mid yahay balamadii ay horay u galeen.