Madaxweynaha Hirshabelle Oo Wado Qorshihii Ugu Dambeeyay Ee Magcaabista Golaha Wasiirada Maamulkaas

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo madaxweynaha Maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulankani ayaa ahaa mid looga arrinsanayay dhismaha Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle oo la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee magcaabista Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar “Gaabow” oo la hadlay Iadaacadda Shabelle ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay doonayaan in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada cusub, halka madaxweyne Waare uu ka biyo diidan yahay arrintaasi.

Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa madaxweynaha Hirshabelle loo doortay 16 kii September ee Sanadkan, kadib markii Baarlamaanka Maamulkaasi ay Codka Kalsoonida kala laabteen Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaana haatan si weyn Magaalada Jowhar looga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeysay ee Magcaabista Golaha Wasiirada Hirshabelle.