Kenya oo ka digtay weeraro ay ku soo qaadaan Al-Shabaab gobalada ku yaala xeebta iyo Xadduuda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Booliska Kenya ayaa lagu muujiyay walaac la xiriira inay Al-Shabaab weeraro ka geystaan gobalada ku yaala xeebta iyo Xadduuda Soomaaliya.


Booliska kenya ayaa Sheegay inay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab qorshaynayaan inay weeraro ku soo qaadaan magaalada Mandheera iyo Magaalooyinka kale ee ku yaala xeebaha Kenya ee Dalxiiska loo aado.
Dhanka kale Afayeenka Ciidanka Booliska ayaa ku baaqay in Shacabka ay muujiyaan feejignaan dhinaca amniga ah Booliskana ay la shaqeeyaan, iyadoo ciidamada la faray inay galaan taxadar.