Hogaamiye Kenyaan Shabaab ah oo la sheegay inuu baxsad ka yahay kooxdaasi iyo Cabsi soo food saartay.

Qoraallagu baahiyay Websit-ka the standard media ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiye ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Axmed Iman uu isku dayayo sidii uu uga bixi lahaa Al-Shabaab, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Hogaanka sare ee Al-Shabaab.


Warbixinada Sirdoonka ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo kenya u dhashay uu doonayo inuu isaga Baxo Al-Shabaab kadib markii uu la soo darsay Wal-wal ku aadan Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku tuhmaya inuu xiiriir la leeyahay sirdoon shisheeye.

Hogaamiyahaan Kenyaanka ah wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay sameeynta muuqaaladda Dacaayadda ah ee Al-Shabaab warbaahinta ku baahiyaan gaar ahaan marka ay Hanjabaadaha u dirayaan Dowladda Kenya ama ay War ka soo saarayaan Weeradda ay Kenya gudaheeda ka fuliyaan.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay waynayaan Hogaamiye Sare sidoo kalena ah Aqoonyahan Dhinaca Technology-yadda ah, wuxuuna aad u yaqaanaa Hogaamiyaha Baxsadka ka ah Al-Shabaab Luuqadda Sawaaxiliga.
Dhanka kale Hogaamiyahaan ayaa sidoo kale tirsan yahay Hogaamiyeyaasha Garabka Al-Shabaab ay Kenya ku leeyihiin ee Jaysh Ayman.