Doon ay saarnaayeen Tahriibeyaal oo lagu la’yahay Biyaha u dhexeeya Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga

Wakaaladda Wararka Dalka Talyaaniga ayaa ka soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Badda ee Talyaaniga waxaa lagu la’yahay Biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya Doon siday 100 Ruux oo Tahriibeyaal ah oo ka baxday Xeebaha wadanka Liibiya.

Sargaal ka tirsan Ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay in illaa hadda la helay Meydadka 30 Qof oo Haween u badan islamarkaana u dhashay Wadanka Nigeria oo ka mid ahaa Dadkii la socday Doonta la’la yahay.

Dhanka kale Doontaan oo ka baxday Xeebaha Liibiya ayaa la aaminsan yahay in Tahriibeyaasha ay sidday ay ku jiraan Soomaali,waxaana weli Baadi Goob ku haya Ciidamada Ilaalada Badda Talyaaniga iyo kuwo kale oo Caawinaya.