Wasiirka Amniga oo ku goodiyay in Talaabo laga qaadi doono cid kasta oo qalqal gelinaysa amniga dalka.

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.


Wasiirka amniga oo ka qeybgalay shirkii Golaha Wasiirada ayaaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeyeey oo ciiidamadu ay ka sameeyeen degmada Afgooye,kuwaasi oo lagu soo qab qabtay ilaa 29 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay inaysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’ddaha ammaanka Dowladda Soomaaliya,isagoo sheegay inay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.
C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu Golaha Wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.