Maqaal: Who is Al-Shabab? Waa kuma Al-Shabaab?

Bilowgii 2005tii, waa markii ugu horeysay ee kooxdaan la magac baxday Al-Shabaab aynu maqalno, waa xiligii 6da bilood ee maxaakiimta, Islamic Courts Union (ICU) garabkii dhalinyarada ahaa ee la shaqaynayay.
Aadan Cayrow, wuxuu ahaa madaxii ugu horeeyay ee dhalinyarada lamagacbaxay Al-Shabaab, mowqifkiisu wuu cadaa, hadafkiisuna wuxuu ahaa, in uu dalka Somalia, noqdo dal shareeco Islam, sida Iran, ay ugu dhaqanto sharciga Islamka, Garwadeenana ay Gudi Shuuro ah ay dalka maamulaan.

Adan Cayrow, waa la dilay oo waxaa Assassination ku sameeyay CIA, mareykanka diyaaradahooda Drone-ka 2008kii,dilkiisana ay ku baxday $5.5 milyan, taana ay fuliyeen AFRICOM – US. Africa Command.

Hadaba dilkaa kadib, maxaa isbedelay, waxaa isbedelay in Si shuruud la’aan ah lagu magacaabo Ahmed Abdi Godane, isla sanadkii 2008kii maamulkii Al-Shabaabna ay gacanta u gasho, SomaliLand, iyagoo uga gol leh, in aysan gobolada koofureed ee Somalia, aysan xasilooni ka dhicin.
Godane, wuxuu bilaabay inuu ismahadiyo, uu amaradii Somaliland, uu diido, sidaana uu ku noqdo falaago, kadibna ay Shabaabkii u kala jajabaan kooxo farabadan, dhexdoodana iska dagaalan.

International community, dowladaha deriska, Shirkadaha shidaalka iyo qayraadka Somalia, Daneeya markii ay arkeen in Somalia, khayraadkeeda sifudud loogaga faa’iidaysan karo, waxay bilaabeen in ay tartan u soo galaan sidii ay u boobi lahaayeen Khayraadka Somalia.

Dowladda Mareykanka iyo Ingiriiska (US, UK), waxay bilaabeen in ay abuuraan qowlaysatada badda, dhalinyaro dhaca maraakiinta ganacsi ee xeebaha Somalia mara (Somali Pirates), Sidaana faragelin toos ah loogu sameeyo, Somali sovereignty , sidaana ay dowladihii UK & US, iyagoon cidina kala tashan, ee magaalada Muqdisho, Base, ama saldhig ay ka samaystaan, ( Mogadisho compound) the CIA’s Secret Sites in Somalia, aagaarka Aden Adde Airoport.

Sanadkii 2015, shirkada caalamiga isgaarsiinta ee fiber Optics-ka, ayaa waxay go’aan ku gaartay in badda Somalia, hoosteeda la dhigo wire-da Fiber optics-ka, maadama ay strategically Somalia, ay ku taalo dhulbaraha (equator), si looga maarno satellite-yada la geeyo hawada sare ee uu qarashka faraha badan kubaxo, arintaana waxaa ansixisay dowladii Barak Obama, sidaana lagu abuuray Base-ka Fiber Optics-ka caalamka ugu way ee ay xaruntiisu tahay magaalada Muqdishu.

September 5, 2015. Waxay CIA, mareykanka dishay Ahmed Godane, sidaana kooxdii Al-shabaab ay u noqdeed, Al_haboow, koox lunsan ee aan madax iyo majo lahayn, magacoona sidoo ladoono loo isticmaalo.

Arintaa kadib, Shirkada IRN (International Research Network) oo arimaha shidaalka ka shaqeeysa, ayaa waxay ku fekertay in Shidaalka Somalia, la soo saari karo, mar hadii ay Shirkadii Fiber Optics-ga ay Xerada Xalane ee Somalia ay cagadhigatay. IRN, waxay bilaabeen in ay abaabulaan shirar iyo kulamo looga hadlayo Soosaarista Shidaalka Somalia. IRN, waxay ku dhaqaaqday iney abuurto Shirkad Somaaliyeed ee shidaalka (Som Oil and Gas exploration), xaruna looga dhigay London.

Hadaba waxaa isweydiin mudan, Waa kuma Al-Shabaab, – Who is Al-Shabaab, Al-Shabaabka Casriga waa shirkadaha donaya Khayraadka Somalia, oo doonaya in aysan Somalia dowlad xasiloon ka hana qaadin Somalia.

Al-Shabaab, waxaa ah, shirkada Fiber Optics, isgaarsiinta caalamiga ee base-ka ku leh Muqdisho, ee maalgelinta ugu balaan ee ciidamada AMISOM iyo AFRICOM, bixisa, una soo marsiisa dowalada Mareykanka.

Al-shabaab, waxaa ah, dowladaha danaha guracan ka leh Somalia, oo ay ugu horeeyan, Qatar, UAE, Saudi Arebia, Russia, UK, Norway, Italy,
China, India, Pakistan, Kenya, Ethiopia, Uganda, Jabuti.

Al-Shabaab, Waxaa ah, Shirkadaha Xawaaladaha, Qaadka, Dhuxusha, Xoolaha, Beeraha, ganacsatada Hubka iyo Som Oil & Gas.

Al-Shabaab waxaa ah, madaxda dowladda ee kujira labada Gole ee baarlamaanka, Golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidamada oo badankood u adeega dano dowlado shisheeye, shaqsiyaadkaa magacyadoodana qormadeena dambe ayaan ku soo bandhigi doona.