MAQAAL: TALO SIIN KU SOCOTA GACANSATADA SOOMAALIDDA ( ISTANBUL VS DUBAI)

Taqasuskeeyga wuxuu yahay Gacansiga Caalamka (International Business) oo aan mudo ku dhex jiray, waxaan ka soo shaqeeyay dowlado badan sida China, United States, Middle East iyo Africa. Aqoonta aan u leeyahay arimahaas, waxaan is tusay inaan walaalaha Soomaaliyeed ee gacansatada aan talo ku biiriyo si ay u qayb uga noqdaan nabada dalkeena iyo hurumarka dhaqalaaha ee dalka Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya yeelatay suuq xur ah oo la jaan qaadi karo aduunka maanta, Africana ayka noqon karaan quwad gacansi, tasoo aan u leeyahay laba qodob awgood. 1- Soomaaliya oo ayku taalo meel aad iyo aad istaratijiyad ugu ah aduunka, ama aan oran karo idirii Africa. 2- Dadka Soomaaliyeed marka loo eego Africada kale inay yihiin dad aad ugu fiican ganacsiga iyo hurumarinta dhaqaalaha.

Hadaba, Turkiga waxaa xowli ku socdo kobcintiisa dhaqaale, tasoo hada uu u soo jeestay inuu inuu xiriir gacansi la yesho qaarada Africa. Isla markiiba go’aanka uu qaatay waxaa kor u kacay meeshiii ay ahayd 3 billon doolar, hada uu maraayo 20 billon, waxaana dhici karta sida ay qabaan aqoonyahanada ka faaleeya dhaqaalaha inuu Turkiga noqon doono quwad gacansi oo xoog ku yeelan doono gabi alaahnba Qaarada Africa.

Sida aan ka warqabno Soomaalida gacansigeeda waxaa sal u ah Emeraatka, dowladaas waxa kaliya ay qabato waxay gadaa adeegyadda (service) si ay howsha u fududeeya gacansatada, waxaan kaloo og nahay inaysan waxba soo saarin oo ay tahay gacantii sedexaad oo u dhaxeeysa wax soo saarka iyo gacansatada, tasoo ay gani ku noqdeen, si hadii uu saliida ka dhamaato ay noqdaan gurigaa ganacsiga.

Waxaan walaalaha Soomaaliyeed kula talinayaa inay ka fa’ideystaan dhaqaalaha soo koraayo ee Turkiga ka wado Africa, tasoo Soomaliya ka dhigi karta inay noqoto Dubaii- Africa oo kale. Taas awgeed waa inay gacansatadeena ku fikiraan inay hantida kala baxaan Dubai oo saldhig ka dhigaan Istanbul, tasoo aan aaminsanahay inay fa’idadooda ay xad dhaaf noqon karto. Waxay kaloo arinkaan Ganacasatada Soomaaliyeed u furi kartaa tariiq ay gacansigooda ku gaariyaan dadka ku nool Geeska Africa oo lagu qiyaaso 250 Milyan,ka dibna ayku faafaan Afrikada kale oo dadka ku nool ay maanta ku dhow yihiin hal billion.

Arintaan waxay faido u tahay dalka Soomaaliya laba arimood a)inaan dowladeena ayka hesho canshuur si loo kabo aqoonta, nabada iyo caafimadka. b) mida kale waxay abuureeydaa shaqo, waayo dadkeena shaqo ayay u baahan yihiin, qofka marka uu shaqo haaysto dagaal ma rabyo.

Waxaan rajeeynayaa walaalaha Soomaaliyeed inay arinkaan aad uga fikiraan. Dadka kale ee dhalinta yar ee jecel ganacsiga waxaan idiin xaqiijinayaa inaad maal gashi ku sameeysataan Turkiga, waxaan aaminsanahay inuu turkiga noqon doono meel aad ugu sareeysa Ganacsiga lagac faro badana laga sameyn karo, wixii talo siin ahna diyaar baan idinla nahay.

Mahadsanaidiin.

Sheiknor Qassim.