Dowladaanu 8 billood ayay jirtaa ee maxay noo qabatay..? NASASHADA JIMCAHA.Q-70aad.

Caawa, Wax Akhyaar loogu maahmaahana ma lehe: waa dhaqan Soomaalidu leedahay, in laga hormariyo haddii maah maahdu u muuqato mid dadka qaar ay si kale u fasiran karaan, ama wax aan afka ku fiicneeyn maah maahdu kaa qabato.
1-Islaan, odaygii aad uga laciifay ayaa maqashay wiilasheedii oo isku ceeynaya Hooyadaa xxxxx ( cowradeeda) u sheeg iyo kii kale oo leh adiguba u sheeg .markaa ayay ku tiri: war bahalkeeyga afka kala baxa, Aabihiin baan ka waayay faraha kala bexe.


( Sarkaal ayaa arkay Laba Askari oo ciidankiisa ka tirsan oo isku ceeynaya, aniga ha ii sheegin ee usheeg taliyaha maamulka xun, sarkaalkii ayaa ku yiri: war maamulkeeyga Afkiina kala baxa, madaxdii iga sareeysay ayaa ka waayay faraha kala baxa).
2-Oday tumasho la tagtay ayaa naag loo guuriyay, markuu mudda joogay ayaa qaraabadiisii rag ahi mar kasta waydiiyaan ma dhaliis miyaa tahay,xaasku weli uur ma lehe?.
Maalintii dambe ayuu arkay xaaskiisii oo sii galaysa Hotel XXX- xamar, qol uu deganaa wiil ka yimid UK, daaqada ayuu istaagay markaa ayuu arkay wiilkii oo madaxa kula jira islaanta lugaheed dhaxdooda.
Intuu dadkii oo dhan isagu yeeray ayuu yiri: Maxaan ilma dhalnaa,wixii aan ku shubnaba ,wiilkaan ayaa ka cabaya. Fiiri Sawirka 1aad.
( mas’uul qorsheeynta Soomaaliya ka shaqeeya ayaa lagu yiri: deeqahan faraha badan ee la leeyahay Soomaaliya ayaa lagu bixiyay, xagay mareen ? wax ma tarayaal miyaa tihiin?.wuxuu yiri: xageen deeqahaa ku aragnaa, wixii naloo saxiixaba ,kuwa Nairobi jooga ayaa iska dhuuqa)
3- Faaarax Daroogo, oo ciyaal xashiish ah ayaa lagu yiri: wiil iyo gabar haday kaligood isla jiraan,sheeydaan ayaa sadaxeeya.waxaa la weeydiiyay, Haddii Gabar iyo wiil ay kaligood 24 saac qol iskula jiraa oo wax xumaan ah ayna samayn maxaad ku fasiri lahayd?. wuxuu yiri: waxaan u maleeynayaa in shaydaanka la joogay uu khaniis ahaa.
( Faarax ayaa mar kale la weeydiiyay, haddii madaxda Maamul gobaleedyada iyo kuwa dowladu ay Usbuuc wada fadhiyaan oo ay soo saari waayaan go’aan hirgala maxaad u maleeynee? Waxa uu yiri: waxaan u maleeynaa in Janaraal Gabre uu la fadhiyay). Fiiri sawirka 2 & 3aad.
4-Ninbaa waxa uu ka soo baxsady Xabsi, markii uu guriga yimid ,ayaa xaaskiisii waxay ku tiri: TV-ga waxaa laga sheegay inaad xabsiga ka soo baxsatay 8 saacadood ka hor,ee halkeed ku soo daahday? Ma xaas kale?.
(Cumar deg deg ayaa yiri: Dowladaanu 8 billood ayeey jirtaa ee maxeey noo qabatay)
5-Caasha Salon ,oo Make up iskugu hagar baxday ahna Garoob diaspora ah ayaa waxay shukaansanaysay wiil yar, wuxuu weeydiiyay maxaad garoobada kale ugu fiican tahay?, iyada oo is xayaysiinee ayay ku tiri: Aniga ninkii i helaa weligii iga tagimaayo.wuxuu ku yiri: kii horaa kula joogi lahaa!!. Fiiri sawirka 4aad.
( Masuul ayaa yiri: haddi xilka Amniga hal mar la ii dhiibi lahaa ,magaaladu nabad ayay noqon lahayd. yaa ,yaa, Labadii mar ee hore maxaa lagaaga qaaday)
6-Nin ayaa isaga oo Universal TV fiirsanaya waxaa soo gashay xayeeysiin Saabuunta LUX, oo gabar qurxooni ay xayaysiineeyso. Ninkii asaga oo rabo inuu xaaskiisa amaano ayuu yiri: Gacaliso, Naagtan wax xayeeysiineyso adigaa ka macaan.
Waxa ay tiri: Haye, haye……, saas miyaad ii keentay,waad is taqaaniin miyaa?,oo weliba waad dhadhamisay miyaa?. Tarmuus shaah ah, ayaa madaxiisa lagu hubsaday, kadibna karbaash,, Isbitaalka turkiga ee Deefa qolka 6aad ayuu jiifaa. Fiiri sawirka 5 & 6aad.
( Kii yiri: Walaahi dowlada Qatar waxaa ka fiican imaaraadka, isaga oo leh sooma socdo ayuu Dubey joogaa).
Qore: Yahya Amir.