Doon ah kuwa Dheereeya oo maanta lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya+Sawiro

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee loo yaqaan “IOM” ayaa maanta doon nuuca dheereysa ku wareejisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Doontaan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay’adda u qaabilsan xuduudaha badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in doontaan muhiim u tahay shaqada Hay’adda,islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha badda,waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada badda Soomaaliya.
Xadduuda dhinaca Badda ee Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay noqotay wado ay ka soo galaan Ajaaniib kala Duwan oo u badan kuwa Dalkooda Dambiyo ka soo galay iyo Shaqsiyaad kale oo Dalka dhinaca Badda ka soo gala.
Dhankakale Soomaaliya ma lahan Ciidan Tayo leh oo dhinaca Badda ah sidoo kale Dalka malahan Ciidan Ilaaliya Xeebaha Badda, waxaana Badda Soomaaliya ku sugan Maraakiib Shi-sheeyo oo la sheegay in ay la dagaalayaan Burcadda Badaha Soomaaliya.