Ciidanka Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wado buuraleyda Gobolka Bari

Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraha Gobolka Bari, iyadoona uu hadafku yahay in laga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin.

Buuraha ku yaala Bariga & Galbeedka Boosaaso, ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku kala leh Al-Shabaab iyo Daacish, waxa ayna xilliyada qaarkood ka soo qaadaan weeraro ka dhan ah Ciidanka Puntland.

Ciidanka Daraawiishta ayaa maalmo ka hor ku dhaqaaqay saldhigyada Daacish iyo Shabaab, iyagoo si feejignaan ay ku dheehan tahay ugu sii siqaya saldhigyada Ururadaasi.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland oo shalay ka qabsoomay Magaalada Garoowe, ayaa lagu booriyay hawlgalada ay Ciidanka Daraawiishta ka wadaan Buuraha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shir guddoominayay shirkaasi, ayaa waxa uu ku baaqay in Ciidanka Daraawiishtu ballaariyaan gulufkooda ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish.