Booliiska Somaliland oo ka digay in banaanbaxyo Rabashada wata la dhigo.

Taliayaha ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa soo saaray digniin adag oo uu u jeediyay Dad la sheegay inay halkaasi ka abaabulayaan rabshado ay kaga soo horjeedaan howsha tirinta codadka ee doorshooyinkii dhacay dhawaan Deegaanada Somaliland.


Gen. Cabdillaahi Fadal Iimaan,Taliayaha ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ay ka dhaceen rabshado, isagoo ku baaqay in la joojiyo wixii wax u dhimaya ammaanka.
Taliyaha ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii nabad-galyada wax u dhinta, ayna gacan adag ku qaban doonaan amniga oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono Dadka ka dambeeya.
Dhanka kale Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa horay u shaaciyay inayan jirin wax is daba marin, markii uu xisbiga Waddani sheegay inay ku gacan sayreen qaabka ay u socoto tirinta codadkii la dhiibtay.