Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Natiijada Doorashada ku dhawaaqaya Maalinta Berri ah.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa sheegay in Berri ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Somaliland ee Degaanada Maamulkaasi looga Dareeray Isniintii la soo dhaafay.


Maalints Berri oo Jimco ah ayay Guddiga sheegeen in la shaacin doono Musharaxii ku soo baxay Doorashada Madaxweyne ee Somaliland,waxayna sheegeen in Doorashadii ka dhacday Degaanada Somaliland ay u dhacday qaab Xor iyo Xalaal ah.
Doorashada Madaxtinimo ee Somaliland ayaa waxaa ku Tartamay saddex Musharax oo kala Hogaaminaya Xisbiyadda UCID,Wadani iyo Kulmiye,waxaana Warar hor-dhac ah oo aan la Xaqiijin ay sheegayaan in Xisbiga Kulmiye uu hadda ku horeeyo Codadka la dhiibtay,iyadoo loo saadaalinayo Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland Shanta Sano ee soo socota,inkastoo waxkasta isbadali karaan oo aan weli lagu dhawaaqin Natiijada Doorashada.
Dhanka kale Goobjoogeyaal ka socda Wadamada Beesha Caalamka oo ka qeyb galay Doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday Doorashada Madaxweynaha,waxayna sheegeen Kor-joogeyaasha in si Dimuquraadi ah ay u dhacday Doorashada.