Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ku dhexmaray Bardaale Ciidamada Dowladda & Al-Shabab

Waxaa lagu soo waramayaa in Dagaal culus ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo ee gobolka Bay.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi socday muddo saacad ah sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Dhanka kale ilaa iyo hadda lama ogga tiradda saxda ah ee dagaalkaasi ku dhimatay, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 6 qof oo ah dhinacyadii dagaallamay kala taabacsan.