Mucaawinada Turkiga ugu deeqday Galmudug oo la leexsaday

Wararka na soo gaaraayo ayaa Waxaa ay sheegayaan in macaawino dowlada Turkiga ugu tala gashay dadweynaha Galmudug in lkeexsaday oo suuqyada lagu arkay.

Ilyas Mohamud oo ah mas’uuliyiinta Gobolka oo la soo xiriiray warbaahinta somaliweyn ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

”Dowlada Galmudug waa in ay ka gar-baxdaa eedaynta lagu soo eedeeyey oo ah in mucaawanadii loogu talagaley dadka tabaaleysan ee abaarta soo barakicisey in la dhacey oo suuqyada Cadaado iyo Gaalkacyo lagu kala iibinayo.

Waa in ay arintan jawaab deg deg ah ka bixiyaan mas’uuliyiintii gargaarkaa dowlada Turkiya bixisey loo soo dhiibey iyo inta mas’uulka ka ahayd qaybinta mucaawinada. Hore ayaa sanad hore loo dhacey mucaawino gargaar ahayd tasoo cidna loo raacan . Waa arin xanuun badan oo aan la ogolaan karin in mar walba koox naxriis daran dhacaan gargaarka loo soo dhiibo shacabka reer Galmudug oo abaar xoog badani ku dhacdey sanadihii la soo dhaafey.”….

https://www.facebook.com/groups/1590113644633113/permalink/1858290761148732/