Mareykanka oo si cad u sheegay inuu dilay ku dhawaad 100-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, in lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo todobaadkaan ka dhacay gudaha Soomaaliya sida sheegeen Mas’uuliyiin Mareykan ah.

Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka oo lagu magacaabo Samantha Reho ayaa sheegtay in Weerararo dhacay sabtidii iyo Jimicihii lala beegsaday xubno muhiim oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Maraykanka ayaa sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran,islamarkaana lala beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen.

“Sidoo kale howlgallo dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan ku dilnay ku dhawaad boqol ruux oo ka tirsan dagaalyahanada Shabaab” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in howlgal ay ciidankeeda amnigu ay sameeyeen lagu dilay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiya xero ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasoo lagu samayn jiray waxyaabaha Qaraxa.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdriaxmaan Yariisow ayaa ayaa sheegay in Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.

Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay hadalka Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.