Dowladda Kenya oo ka Baqdin qabta weeraro kaga yimaada Al-Shabaab

War ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa mar kale ka digtay suurtagalnimada weeraro al-Shabaab ka geystaan magaalada Mombaza, waxayna ciidamada Kenya ugu baaqeen inay heegan buuxa galaan.


Ciidamada amniga Kenya waxay sheegeen iney jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca magaalooyinka Mandheera Mombaza iyo magaalooyinka kale ee dalka Kenya ah.

Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in heegan buuxda la geliyey ciidamada ammaanka ee dalkaas si ay uga hortagaan khatarta Al-Shabaab.

Dhanka kale warbixin ay soo saareyn Ciidamada Booliska ayay ku sheegeen in dadka u shaqeeya dowladda ee ku sugan magaalada Mombaza ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, iyadoo Kenya ay sheegtay in Weeraraddaasi ay maleegayaan labo nin oo asal ahaan ka soo jeedda Kenya oo hadda ku sugan degaanada ay maamulaan Al-Shabaab.