Ilaalada Madaxtooyada oo bilaabay inay hubiyaan Gaadiidka AMISOM

Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ayaa bilaabay inay hubiyaan gaadiidka AMISOM ee maraya wadada, marka ay soo gaaraan Koontaroolka ciidanka ay joogaan.


Arrintaan ku saabsan in ciidamada dowladda ay hubiyaan gaadiidka AMISOM ayaa ka dambeysay, kadib markii maalmahan dambe Magaalada si wayn looga hadal haayay suurtagalnimada in gaadiid AMISOM ay leeyihiin weeraro loo adeegsado.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa horay waxay u qabsadeen gaadiid ay leeyihiin ciidanka AMISOM , waxaana maalmahan dambe aad u soo xoogeysanaayay warar ku saabsan in Shabaab weeraro qorsheysan ay u adeegsan rabaan gaadiidka AMISOm ee horay ay u qabsadeen.
Dhanka kale Ciidamada Militariga ee ku sugan Koontaroolka Tiyaatarka, ayaa maanta celiyay gaadiidka AMISOM , waxayna ku amreen wadaha gaariga inuu soo dago, kadibna uu keeno aqoonsi muujinaayo in gaadiidkaan ay yihiin kuwa AMISOM.
Waxaa la arkaayay in Darawalada gaariga AMISOM iyagoo ka soo dagaya gaariga, waxayna aqoonsigooda tusayeen askariga Militariga Madaxtooyada ka tirsan, kadibna sidaasi ayaa lagu fasaxay gaadiidka AMISOM.
Dhanka kale arrintaan ayaa muujinaysa feejignaan fara badan oo ku jiraan Ciidamada Dowladda, waxaana si wayn Magaalada looga baqayaa inay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, iyadoo laga baqayo in gaadiidka dagaalka AMISOM loo adeegsado falal amni daro.