Diyaarad Dagaal oo Duqeyn ka Gaystay Saldhiga Shabaab ee gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay halkaasi ka dhacday goor dhaw, iyadoo diyaarad dagaal ay duqeysay Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degaanka Basra ee Gobolka Sh/Dhexe.


Duqaynta Diyaaradeed ayaa waxaa xaqiijiyay dadka degaanka oo sheegay in la duqeeyay deegaan lagu magacaabo Buulo Mareerey oo qiyaastii 5-KM u jira degaanka Basra, halkaasi oo ah goobtii Shabaab ay ka soo qaadeen weerarkii ay ku qabsadeen Basra.
Wararku waxay sheegayaan in Duqeynta ay fulisay diyaarad dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay, balse maalmahan dambe ayaa waxaa duqeyn lala dhacaayay aaga degaanka Basra oo ciidamo badan oo Shabaab ah ay soo buux dhaafiyeen.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay ka war hayaan duqeyntaasi, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee Shabaab duqeyntaasi ka soo gaaray.