Dadweynaha Somaliland oo Berri u dareeraya Doorashooyinka Madaxtinimada Maamulkaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Doorashadii sadeexaad ee loogu tartamaayo kursiga ugu sareeya Somaliland ayaa la filayaa inay berri oo isniina ka dhacdo goboladda iyo deegaanada hoos yimaada Maamulka Somaliland.


Doorashadan oo ay ku loolamayaan sadex xisbi oo ka jira maamulka Soomaaliland ayaa kala ah xisbiga iminka tallada haya oo musharixiisu yahay Muuse Biixi Cabdi, halka xisbiyadda Mucaaridka ee Wadani iyo Ucid ay kala yihiin mushariinta u tartamaya C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)oo Wadani ah iyo Eng.Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga Ucid ah.
Ilaa hada lama odorosi karo cida ku guulaysanaysa Doorashadaasi,taas oo ay ku macneeyeen dadka ka faalooda doorashooyinku in xisbiga Talada Haya ee Kulmiye iyo xisbiga Mucaaridka Fog ah ee Wadani ay aad iyo aad isugu dhaw yihiin xaga taageerista dadka ay codka ka rabaan.
Maamulka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba hakad kooban la galiyo baraha bulshadu isticmaasho iyo internad-kaba ,ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee doorashada,iyadoo Shacabka Somaliland ayaa aad ugu diyaar garoobay doorashadan,iyagoo hada ka horna soo doortay laba Madaxwayne.