Ciidamo Gadoodsan oo Xabsiga u taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna Waljamaca.

Magaalada dhuusamareb ee Gobolka Galgaduud wararka laga helaayo ayaa sheegaya in Ciidamo hubeysan oo ku labisan darayska milatariga saakay xoog ku galeen Guriga dagmada, iyadoo Ciidanadaasi xabsiga dhigey mas’uuliyiin Maamulka Ahlu Suma ka tirsan oo uu ka mid yahay xoghayihii dagmada Dhuusamareeb.

Gudoomiyihii dagmada Macalin Nuur Cilmi ayay wararku sheegayaan inuu u baxsadey dhanka Dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan si uu uga badbaado Ciidamadaan ka gadoodsan oo ka cabanaya wax isdaba marin lagu sameeyey raashin laga bixiyey dagmada sida ay dadka deegaankaasi sheegeen.

Dhanka kale saraakiisha Maamulka Ahlusunna weli wax war ah kama soo saarin xariga loo geystay mas’uuliyiinta Maamulkaas ka tirsan iyo Ciidamada Gadoodsan ee Magaalada Dhuusamareeb xariga ka gaystay.