Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain oo ka soo badbaadiyay Tahriibayaal Badda Mediterranean

War ka soo baxay Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen in ka badan 250-Tahriibayaal ah oo ay caruur, kuwaasi oo isku dayayay inay ka soo talaabaan badda Mediterranean.


Saraakiisha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa sheegay in dadkaan ay doonayeen inay gaaraan dalalka Yurub, waxaanaTahriibayaashani laga soo badbaadiyay 5 Doon oo ah kuwa yaryar oo ay la socdeen.
Doomahani ayaa la sheegay in ay ka soo shiraacdeen dalka Morocco islamarkana dadka saarnaa ayaa waxay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya.
Sidoo kale Hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ee (IOM)ayaa sheegtay in muhaajiriin ka badan 15,000 ay soo gaareen Spain sanadkan, Tirada dadka muhaajiriinta ee u safri jiray Taliyaaniga ayaa hoose u dhacday, iyadoo Taliyaaniga uu la daalaa dhacayaa tiro ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah oo gaaray dalkooda sanadkan.