Taliska Ciidanka XDS oo sheegay in Duqayntii Deegaanka Basra lagu dilay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya Degaanka Basra ee Gobolka Sh/Dhexe una dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan labada Shabeele ayaa sheegaya in Diyaarad dagaal oo nuuca aan duuliyaha lahayn ay duqeysay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.


Gen. Cumar Xasan Aadan (Cumar dheere)Taliyaha 12-April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu bartil maameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Alshabaab xili ay halkaasi ku shirayeen.
Dhanka kale Deegaanka Barsa ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana saraakiishu ay sheegayaan inay wadaan qorshe Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin.