Monitoring group oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiisha Daacish ee ku sugan ee Soomaaliya iyo xilalka ay hayaan.

Kooxda Kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano Monitoring group, ayaa heshay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan saraakiisha ururka Daacish ee ku sugan Puntland.


Rag horey uga mid ahaan jiray ururka ayaa fududeeyay helida xogta ku saabsan saraakiisha Daacish ee ku sugan Soomaliya.

Magacyadda xubnaha ururka Daacish ee ku sugan Soomaaliya iyo xilalka ay hayaan

(1) Abdulqader Mu’min, waa horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, horeyna uga mid ahaan jiray saraakiishii Alshabab ee buuraha Galgala. Maraykanka ayaa sarkaalkaan ku daray liiska argigixisada bishii August, sanadkii 2016.
(2) Abdirahman Fahiye Isse Mohamud Waa ku xigeenka hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, waana xubin kamid ahaa Shabaab kana howgali jiray buuraha Galgala. Puntland ayaa ogaatay ninkani inuu ahaa isku dubaridihii qarax ismiidaamin ah oo Bosaaso ka dhacay, bishii May ee sanadkaan.
(3) Mahad Moalim: waxaa adeer u ah hogaamiyaha Daacish, doorkiisa haatan waxaa waaye madaxa Dacwada, Horey ayuu Shabaabka Golis uga mid ahaa.
(4) Abdihakim Dhuqub waa hogaamiye sare, da’diisa waxaa lagu qiyaasaa 50-55 jir, waxaa uu kamid ahaa dadkii aas aasay ururkii ugu horeeyay ee laga aas aaso Bosaso sanadkii 2004, kaasoo la oran jiray Al-Itihaad al-Islamiya (AIAI). Shaqadiisu waxay ahayd hormariyaha afkaarta xagjirnimada. Alshabab ayuu horey ulasoo shaqeeyay.
(5) Abdiqani “Luqmaan” (waa 25-30 jir. Waa Taliyaha hogaanka mas’uul ka ah ciidamada. Alshabab ayuu horey ulasoo shaqeeyay.
(6) “Abu Hafsa” Ku xigeenka Luqmaan, Da’diisa waa 30 jir qiyaastii. Waxaa uu horey xubin uga ahaa Shabaabka gobolka Hiiraan, waxaa suurtagal ah inuu qaabilsan yahay keenista ama qorista dagaalamayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya, magaciisa waa “Jabal”.
(7) Hamza Farey madaxa dacwada iyo hagaajinta. Alshabab ayuu horey ulasoo shaqeeyay.
(8) Abdibasid oo loo yaqaano. Mukhtar da’diisa waxaa lagu qiyaasay 30, Shaqadiisu waxay tahay Sirdoonka ama soo iibsiga hubka.