Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay duqeysay Degaanka Basra oo shalay ay dagaal kula wareegeen dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labo gantaal lagu garaacay Degaanka Basra oo Shalay ay Dagaal kula Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Degaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Goboladda Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.