DEG DEG: Dagaal ka socda Shabeellaha Dhexe

Dagaal xoogan ayaa wuxuu Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-shabaab ku dhexmarayaa degaano ay ka mid yihiin Alifow, Gaal-gube iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Gobolka.

Dagaalkan oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Howlgal ay wadeen Ciidamada Dowladda ay weerar kooban kala kulmeen Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, kadibna dagaalka uu sidaasi ku sii xoogeystay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Risaala u sheegay in Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka kala baxay degaanada Basra iyo Jambaluul ay u jiheysteen dhanka Dagaalka, kuwaasi oo caawinaya Ciidamada Dowladda.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalka ay qeyb ka yihiin Diyaaradaha Dagaalka.

Khasaaraha hordhaca ah ee dagaalkan, Ciidamada Dowladda Federaalka waxaa dagaalka looga dhaawacay Saddex Askari, sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.