Kenya oo ka cabsi qabta weerar kaga yimaada Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxaa lagu soo waramaya in si aad ah loo adkeeyay ammaanka gudaha dalka Kenya, kadib markii Booliska ay sheegeen iney suurtagal tahay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weeraro ka geystaan degaanada Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Mandhera.


Saraakiil Ciidamada ammaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha ammaanka soo gaaray oo sheegaya inay Al-Shabaab qorsheynayaan weeraro dhabo gal ah oo ay ka geystaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya.
Ciidamo Boolis iyo Millitari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Al-Shabaab kuwaasi oo ka wada dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan degaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.
Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen kadib markii dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dhanka kale dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000 Askari oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka ay ka saaraan Shabaab.