DEGDEG: Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya oo geeryooday

Taliyihii Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa xalay ku geeryooday magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen qaar ka tirsan Ehelada marxuumka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Taraafikada.

Taliye Cali ayaa dhowaan waxaa xaalad caafimaad daro awgeed loogu qaaday dalka Hindiya, halkaasi oo baaritaano uu ku soo qaatay, sidoo kalena lagu soo daweeyay, kadiba dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Ehelada Marxuumka ayaa waxa ay inoo sheegeen maalmihii dambe in uu ku xanuunsanayay Muqdisho, sidoo kalena hakad uu geliyay shaqadiisa, oo uu sii waday Taliye ku xigeenkiisa, xalayna ay ku timid qadartii Alle.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa isla maanta in lagu  Aaso, waxaana Aaska ka qeyb galaya Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Ilaalada Wadooyinka, Ehelada marxuumka iyo xubno kale.

General Cali Maxamed Cali, ayaa howlo badan uqabtay Qaranka intii uu noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab.