Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Basra oo galay feejignaan sare.

Wararka kaimaanaya Deegaanka Basra ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya ee ku sugan Deegaanka Basra ayaa galay heegaankii ugu sareeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay ciidamadaasi weerar ku soo qaadaan Al-Shabaab, waxayna ciidamadu bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la xiriira inay meelku saarto Al-Shabaab.


Ciidamada Dowladda oo aad u hubeysan, watana Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala degaanka Basra, iyo meelo gaar ah oo ay u maleynayaan inay soo mareen Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Dhanka kale Degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Todobaadkan kala wareegeen ururka Al-shabaab, oo ku yaalla Shabeellooyinka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Degaanka Jambaluul.