War Deg Deg ah: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda Deegaanka Basra.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab uu hadda ka socdo Degaanka Basra oo u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.


Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisomo Ciidamada Milatariga ay ka sameysteen Degaanka Basra oo Maalmo ka hor ay la wareegeen Milatagiga Soomaaliya.
Weerarka yaa hadda socda waxayna labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka Culus, ,amana oga Khasaaraha Labada Dhinac kala gaaray,maadaama uu weli dagaalku socdo.