Shariif Xasan oo ka hadlay Mooshinka laga wado

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Shariif Xasan ayaa sheegay in uu maqlay keliya in mooshin xilka looga qaadayo ay ka wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay cidii rabta hoggaanka Maamulka iney qabato in looga baahan yahay iney sugato waqtiga doorashada balse hada aysan wanaagsaneyn in mooshin iyo shirar Maamulka lagu duminayo la abaabulo.

Shariif Xasan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Koonfur galbeed, Xildhibaanada labada Golle ee baarlamaanka dowladda dhexe iyo siyaasiyiinta Koonfur galbeed iney ka shaqeeyaan Xasiloonida iyo hormarinta degaanada Koonfur galbeed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe ay xilka kaga qaadaayaan Madaxweyne Shariif Xasan.