RW. Khayre “Qaranka Soomaaliyeed waa guulaystay, maadaama Shacabku fahmay Gumaadka Al-Shabaab wado..”

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xaruunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaranka oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.


Mudane Xasan Cali Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay inay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay inay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale arintaasi waxaa laga qaatay go’aan midaysan oo ku aadan la dagaalanka Al -Shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri Xasan Cali Ra’iisul wasaaraha XFS.