DEGDEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax Gaari ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Warta-siigaale iyo xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka.

Gaariga Qarxay oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada, laguna soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa waxaa watay nin, kaasi oo ilaa hadda aanan la ogeyn cida uu ka tirsan yahay iyo magaciisa, waxaana dhaawac culus uu ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirkiisa.

Mid ka mid ah Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta oo halkaasi gaartay ayaa waxa ay halkaasi ka qaaday dhaawaca ninka Gaarigiisa lagu Qarxiyay, waxaana la dhigay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad daro wax looga qabto.

Ciidamada ammaanka oo markii horeba ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay gaareen goobta, waxayna halkaasi u tageen baaritaanada la xiriira Qaraxan.

Dad shacab ah oo subixii adeegyo kala duwan u doonta xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa goobta ku sugnaa xilligii uu Qaraxa dhacayay, maadaama meel banaanka ka ah xarunta ay ka qaataan warqado ay ku galaan gudaha xarunta.

Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa lagu bartilmaameed-sadaa xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana masuuliyadooda sheegta ururka Al-shabaab.