Ciidamada Kenya oo qabqabtay rag Ajaanib ah oo la sheegay inay ku biiri rabeen Al-Shabaab.

Wararka ka imaanya dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada la dagaalanka Argaggixisada dalkaasi ay Gacanta ku soo dhigeen laba qof oo la sheegay inay yihiin muwadiniin Tanzanian ah kuwaasi oo ay Booliska sheegeen inay wadeen isku day ay ugu soo safrayaan Soomaaliya si ay Al-Shabaab ugu mid noqdaan.


Taliyaha Booliska degaanka Isiolo Charles Ontita ayaa sheegay in Ajaanibtaan ay ka soo qabteen iyagoo ku socday wadada dheer u dhaxeysa degaanada Moyale iyo Garba Tula.
Charles Ontita ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadoodi halkaasi ay ka wadeen howlgal ay ku baarayeen Basaska ka yimaada Nairobi ee Moyale sii aada ayna dadkaan ka heleen iyagoo aanan wadin wax warqado dal ku galis ah.
Labadani qof ayaa lagu kala magacaba Omar Mwalimu Kasambe oo lagu naaneeso Juma Abbas Zuberi (28) iyo Ali Juma Kaondo (17).
Dhanka kale Booliska Kenya ayaa labadaani qof su’aalo weydiinaya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaabkii ay ula xiriireen Al-Shabaab.