Al-Shabaab oo dishay Hal Darsin (12) oo Booliiska Kenya ka tirsan.

Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Darsin ka tirsan 12– Booliiska Kenya lagu dilay halka kuwo kalana lagu dhaawacay weerar ay ku soo qaaden Al-Shabaab xadka ay wadaagan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.


Askartaan la dilay ayaa Galbinaysay Gawaari ay la socdeen samafalayaal, iyadoo saraakiisha Booliska sheegeen inay iska caabiyeen maleeshiyadii Shabaabka ahaa ee soo weeraray balse looga dilay 12 Askari.
Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay lwadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-Shabaab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya.