Qatar oo ogolaatay inay DFS garab ku siiso dagaalka ay la galayso Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar C/laahi Bin Nasir Aala Thani ayaa kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo booqanaya dalkaasi.


Labada masuul ay isla qaateen xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, iyadoo Wasiirka amniga Soomaaliya uu sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Madaxda ayaa kulankooda uga hadlay arrimo fara badan oo ka mid tahay dhinaca gobolka iyo mid caalami ah hadana si xoogan ayay uga doodeen qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya.
Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in Dowladda Qatar ay muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Soomaaliya ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.