Madaxweyne farmaajo oo la shiray Saraakiisha iyo Ciidamada u diyaarka ah Dagaalka Al-Shabaab+Sawirro

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula shiray Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku simaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa la hadlay Ciidanka Xoogga saraakiishooda, kuwaasi oo ugu diyaar garoobaya dagaalka Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa Rajo iyo kalsooni wayn u muujiyay, iyaga oo sheegay inay durba guula ka soo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen Al-Shabaab deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay inay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabka isla markaasna looga baahan yahay Muwaadin kasta inuu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.