Maamulka Jubbaland oo Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Gud.Baarlamaanka+Sawiro

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne ku xigeen Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Jawaari.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inuu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay si fiican u fal galaan.
Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay inay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.