Howlgal Milaeri oo Ciidamada AMISOM ka bilaabeen Gobolka Sh/Hoose.

Wararka aan ka helayno Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM Gobolka Shabeellaha Hoose ka bilaabeen hawlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan ururka Al-Shabaab, waxayna Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin wadooyinka muhiimka ah ee Gobolka.

Lt Col Bagenda, oo ah Taliyaha Ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad ayaa sheegay Ciidanka AMISOM oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka Soomaaliya in Holwgal culus ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna ciidamdu ku howlan yihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose isku xira, si ay u soo laabtaan adeegyada caadiga ah.
“Hadafka howlgalka maanta waa in aan ka cirib tirno Al-Shabaab goobaha guud, dabcan waad ogtahay in AMISOM ay halkan u joogto si ay u taageerto ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliyeed oo nooga sii horreeya hawlgalka, Ayuu yiri Israel Kaheru Bagenda, Taliyaha ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad.


Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan garabna ka helaya Ciidanka xoogga inay howlgalka ka bilaabeen degaanada duleedka ka ah Afgooye, Balidoogle, Ceelasha-biyaha iyo degaano kale.
Dhanka kale Taliyuhuu wuxuu sheegay in Ciidanka AMISOM ujeedka ay Soomaaliya u joogaan inay tahay sugidda ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena door weyn ka ciyaaraan geeddi-socodka xasilinta.Dalka Soomaaliya.