AMISOM oo sheegtay in Ciidamo Gaaraya 1,500 oo Askari sanadkaan ka baxayaan Soomaaliya.

Francisco Madera Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna kan ugu sareeya Ciidanka AMISOM ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho sheegay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan aan ku jirno.


Wakiilka ayaa sheegay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ugu yaraan 1,500 oo Askari kuwaas oo dalkooda dib ugu laaban doono, sidoo kale Wakiilka Midowga Africa ayaa sheegay in qeyb qayb ay ugu baxayaan Soomaaliya ilaa ay Ciidamada Soomaaliya kala waragaan ammaanka Dalka.
Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareen Soomaaliya wuxuuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.
Wakiilka midowga Africa wuxuu beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay dalka soo galeen ayaa hadane Saraakiisha Ciidanka Xoogga Mas’uuliyiinta Gobalka Gado iyo dadka deegaanka ee Gobalka Gedo ay si wadajir u xaqiijiyeen in Milatariga Itoobiya ay ka soo gudbeen Xadduuda Gobalka gado ee Itoobiya.