Ciidamada Dowladda oo ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay ku qaadayaan Weeraroka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Sh/Hoose ayaa degaano ka tirsan Gobolkaas ka wada dhaq dhaqaaq Ciidan, kadib dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.


Ciidamada xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaqan Ciidan ku doonaya sidii ay kula wareegi lahaayeen degaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Duleedka degmada Afgooye waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u hubeysan kuwaasi oo wada abaabul dagaal, kana hortagaya weerarada mararka qaar Shabaab ay ku soo qaadaan degmada Afgooye.

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in Ciidamada dowladda maalmaha soo socda ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab, si guud looga saaro degaanada hoos yimaada degmada.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku soo qaadayaan fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye, waxaana hada feejignaan dheeri ah ku jira Ciidamada ammaanka.