Roobab saameyn ku yeeshay wadooyinka qaar oo Muqdisho ka da’ay

Saqdii dhexe ee xalay roobab xooggan oo ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray illaa saaka aroortii, iyadoo roobkaasi uu saameyn ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Xeryaha ay degan yihiin dadka Barakacayaasha ayaa lagu soo waramayaa in saameynta ugu badan uu ku yeeshay roobkii xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan meelaha qaar caruur geeriyootay.

Wadada isku xirta Isgoysyada dabka iyo bakaaraha oo dib u dhis ku socotay ayaa ka mid ah meelaha sida xun uu u sameeyaay roobkii xalay da’ay, iyadoo wadada ay noqotay mid gabi ahaanba burburtay.

Wadooyinka qaar ee Magaalada ayaa waxaa dhex buuxa biyo badan oo ka dhashay roobka, iyadoo Magaalada meelo ka mid ah gaadiidka aysan mari karin.