Kulan dhexmaray Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogg dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dib u hebeynta Ciidanka xoogga dalka, Tirakoobka Ciidanka xoogga, jiheynta Ciidanka iyo Holwgalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.


Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in weli aysan dhammaan baaritaanada la xiriira xaalada ammaan ee dalka, dhowaana ay kulamo la yeelan doonaa saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise wuxuu kaloo sheegay in kulamadan inay uga soo baxeen ilaa hadda waxyaabo badan oo ay doonayeen, sidoo kalena ay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ciidanka xoogga dalka oo dagaal adag kula jira ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan waxay la yeelanayeen shirar looga hadlayay xaaladaha ammaan ee dalka Hay’adaha ammaanka, maadaama dowladda federaalka ay ku dhawaaqday dagaal Al-Shabaab looga saarayo dalka.