IGAD iyo UAE oo kulan ka yeeshay Xaaladda Soomaaliya

Waxaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya , Wakiilka Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Ali Guyo iyo Safiirka dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya, Mohammed Ahmed Al Othman.

Kulanka ayaa intii uu socday, waxaa si weyn looga wada hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Amniga iyo dib u dhiska.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay taageeradda dowladda Imaaraadka ay siiso Urur goboleedka IGAD.
Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka oo uu sheegay in ay garabtaagan tahay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in IGAD iyo Imaaraadka Carabta ay ka wada shaqeyn doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa saameyn Siyaasadeed kuleh Soomaaliya.