Dowladda Federaalka oo sheegtay inay soo dhaweynayso Ololaha doorashadda Somaliland

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad Goboleedyadda ee ku shirsanaa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashadda ka socota degaanada Jamhuuriyada iskeed Go’aday ee maamulka Somaliland.


Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Ololaha doorashadda Somaliland, Waxayna sheegtay dowladda inay soo dhaweynayso doorashadda oo ah Mid muhiim ah, islamarkaana waxay ku baaqayaan in la ilaaliyo ammaanka goobaha doorashada ka dhacayso.
“Waxaan soo dhawaynayanaa doorashadda maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota, waxaana u rajeynaynaa inay si nabadgalyo ah ay ku soo dhamaato” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Dhexe iyo maamulada Gobolada dalka.
Dhanka kale waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ka hadasho Ololaha doorashadda Somaliland.