Dalxa “Jawaari Dan Shaqsiyadeed Ayuu U Adeegsanayaa Guddoonka Golaha Shacabka”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka in uu ku shaqeeyo dano gaar ah, halka laga sugayay inuu hormariyo danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana uu tilmaamay in Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” uu ambabaxay safaro shaqo oo dalka dibaddiisa ah, kuwaas oo uu xusay in wax shaqo ah uusan ku lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in la dhowro nidaamka Baarlamaanka, islamarkaana Xildhibaanada ku shaqada leh loo diro kulamada dibadda ah, sida guddida arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

Waxaana shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in uu jiro isla xisaabtan dhab ah , si loo saxo khaladaadka jira.